waayid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg waa². ld waayis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waayid

jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer

baadiggef [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Baadi la raadiyey waayid.

caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis

maandow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ay, -day)
Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).

nabaadguur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid.

qaarqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Xanuun awgii dhinaca dhulka dhigi waayid; xaraarugid.

uurkuqaad [m.l]
Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. ld uurkusiddo.

waayis [m.dh]
ld waayid.

baaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Roob, fasal, rimay iwm waqti la filayay in ay dhacaan suurtaggal noqon waayid. 2. Ka b.: wax la samayn lahaa ama meel la aadi lahaa ka talabixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg