wadne
(m.l)

(c.nafl.) Xubin muruq ka samaysan, hoos ka daloosha oo leh qaab toobineed kuna sugan bartamaha saableyda, afkiisuna uu yaraha bidix u janjeero, ahna xubin dhexaadka dhiigga jirka u gudbisa. ld wadno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wadne

wab [m.l]
Saabley; feero; uur; wadne.

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

ekistarasistol [m.l]
(daaw.) Garaac wadne oo ka bilowdey meel ahayn halkuu caadi ahaan ka bilawanjiray, “Sinoatrial node”.

garwadneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl) Dhuun dhiigga ugu weyn ee laga helo lafdhabarleyda sare, kaas oo ka qaada dhiigga ogsajiinta leh wadnaha dhinaca caloolyarada bidi.

hakad-wadneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.

holac-xuub-wadneed [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.

rugruglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Wadne aad u dhaqdhaqaaqid.

tayrotogsikoosis [m.l]
(daaw.) Xaaladda cudureed oo ay keento hormooniska qanjirka taayroodka oo si dheeraad ah oo aan caadi ahayn ugu jira dhiigga, taasu waxay keentaa wadne garaac dhakhso badan, dhidid, gariir, kacsanan maskaxda, cunno badni, culeyska oo is dhima, u dulqaadasho la'aan kulka.

wadnejoogsi [m.l]
(daaw.) Joogsashada garaca wadnaha oo badanaa dhacda marka muruqyada bilaabaan inay si dhakhso badan u garaacaan dhiigna ayan soo saareyn (fibrilleshin) ama wadnahuba joosado.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

wad [m.l]
ld wed¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg