wahsi
(m.l)

1. Daal ka cararid darteed hawsha culays laga dhigo oo laga cagajiido. 2. ld wahsasho.

wahsi
(m.l)

(fiis.) Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wahsi

caajis [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

caajisad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. cajisad

daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”

cagajiid [m.l]
1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹.

gabbaljiif [m.l]
1. Gabbalgaab. 2. Qof wahsi badan oo aan shaqada jecleyn.

wahsasho [m.f.dh]
eeg wahso. ld wahsad, wahsi¹.

wah [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo yaabka tilmaama.

wah [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. W. dheh: ballaqmid. 2. W. ka sii: wax ballaqid (albaab).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg