wakaalad
(m.dh) (-do, m.l)1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wakaalad ↴
agaasime [m.l] (-mayaal, m.l)
1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
agaasin [m.l]
1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.
hey'ad [m.dh] (-do, m.l)
Maamul xafiis iyo shaqaale u gaar ah leh; wakaalad. ld hay'ad.
maareeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
xisaabiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof maamula lacag hay'ad dawladeed, shirkadeed, wakaaladeed ama mashruuc.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg