waranle
(m.l)

1. Qof qalabkiisu waran yahay. 2. Qof dagaal galay oo aan qori wadan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waranle

waranley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ciidanka warmaha wata.

waran [m.l] (-rmo, m.l)
Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.

waran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg