wareeg
(m.l) (-gyo, m.dh)

1. Socod aan dan la lahayn. 2. Socod aan toos ahayn; leexad; weecad; laabad.

wareeg
(m.l)

(xis.) Wadarta dhererada iyo dhinacyada shaxan jomatari.

wareeg
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-gay, -gtay)

1. (f.g) Meel macno la'aan u socosho. 2. (f.mg) Ka w.: wax ka leexasho. 3. (f.mg) Ku w.: wax kormeerid. 4. (f.mg) U w.: meel u beddelasho (qof). 5. (f.mg) La w.: xil ama alaab iwm cid ka guddoomid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareeg

faafin [m.dh]
Faafin rasmi ah: wareegto rasmi ah

gaafwareeg [m.l]
1. ld gaafmeerid. 2. Cidlada oo lagu ambado. gaafmeerid

gaafwareeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. ld gaafmeer 2. Ku g.: meel ku agwareegid. 2. Cidla wareegid. gaafmeer

gaafwareegid [m.dh]
eeg gaafwareeg². ld gaafmeerid. gaafwareeg, gaafmeerid

gaallisee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.

maageer [m.l] (-rro, m.dh)
Deyr wareegsan oo dhagax iwm ka samaysan. ld meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.

oodo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ootay, -oodatay)
Xero iwm ood ku wareegsasho.

qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg