weerar
(m.l)

Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado.

weerar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Cid duullaan ku qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weerar

caabbin [m.dh]
(taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.

bogdoox [m.l]
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.

ciijin [m.dh]
(baay.) Dariiqadda saxarro bannaanka ka yimid oo jidhka weeraraya ama qayb yaryar oo cunto ah lagu soo dabo ee ay burburiyaan qaar ka mid ah unugyada xayawaanku.

dabro [m.dh]
1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.

danaf [m.l]
1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar.

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

dhexdhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.

fiid-horor [m.l]
1. Weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. 2. ld fiid-gooyo.

fiid-horor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Waqti fiid ah dad weerar ku qaadid. 2. Fiid-horaad wax qabasho.

hujuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-umay, -untay; -umi)
Cid weerar ku qaadid.

weer [m.l] (-rar, m.l)
1. Bahal dugaagga ka mid ah oo dhurwaaga u eg; dhidar. 2. Cad maro ah oo cad oo madaxa lagu xirto oo astaamaha tiiraanyada lagu muujiyo; hangal.

weer [m.dh] (-ro, m.l)
(nax.) Ereyo taxan oo micne buuxa leh; yacni wadajirka khabarka iyo mawaadiicdiisa; hawraar.

weer [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
Weer xirasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg