wees
(m.l)

1. Geed faalala oo xooluhu, siiba geelu daaqo oo ur aad u lifaaqoon leh. 2. Ballaar; waasac.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wees

ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc

handaawad [m.dh]
Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.

weesaggad [m.dh]
Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.

weesaysad [m.l]
ld weesaysasho.

weesaysi [m.l]
ld weesaysasho.

weesayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Salaad ka hor weeso qaadasho.

weeso [m.dh]
1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.

weyso [m.dh]
ld weeso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg