xaanshi
(m.dh)

ld xaashi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaanshi

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

faraqaad [m.l]
1. Qaadidda raadka faraha siiba kuwa gacanta iyada oo lagu sameeynayo xaanshi iwm dushooda si dembi iwm ee uu qofku galay loo raadsho. 2. ld faraqaadid.

qoraal [m.l]
1. Wax xaanshi dusheeda ku qoran. 2. Habka farta loo qoro. 3. Waddo falfal ah. 4. Habka qalabka geedaha laga qoro loo farsameeyo. 5. ld qorid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg