xaaqid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg xaaq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaaqid

xaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax xaaqid.

dhulfiiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.

fiiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid.

salabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Cid hubayn. 2 Wax xaaqid. 3. Wax galayn.

xaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg