xaashi
(m.dh) (-iyo, m.l)

1. Waraaq. 2. Dham-baal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaashi

xaanshi [m.dh]
ld xaashi.

baqshad [m.dh] (-do, m.l)
Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld boqshad, buqshad.

bog [m.l] (-gag, m.l)
1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.

cad [m.l] (-dad, m.l)
1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.

dildillaac [m.l]
(jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.

gal [m.l] (-lal, m.l)
1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.

jajab [m.l]
1. Xanuun murqaha ku dhaca. 2. Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo. 3. Wax burburay gobol ka mid ah. 4. Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno. 5. Lacagta inteeda aan xaashida ahayn. 6. Dahab aan saafi ahayn.

jeeg [m.l] (-gag, m.l)
1. ld joog 1 (3). Weel bir ama macdan ka samaysan oo dabool leh oo caanaha iwm lagu shubto. 2. Xaashi si gaar ah loo habeeyey oo cid la siiyo si uu banki lacag uga qaato.

kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.

xaas [m.l] (-sas, m.l)
1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

xaas [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Nafley caato noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg