xamaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Ciid dhexdeeda wax ka raadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xamaar

waddo-halaq [m.l]
Waddada ay maraan xamaaratadu.

xamaarad [m.l]
ld xamaarasho.

xamaarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xamaaro. ld xamaarad.

xamaarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inteeda xamaa-rasho ku socota: waxay leeyihiin lugo gaag-gaaban oo gummudyo la moodo (diin, ya-xaas, kd.).

xamaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xamaar.

xamaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Ayadoo la dhabbacanyahay bog ku socosho.

ammuur [m.l]
Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. ld amuur.

diin [m.l] (-nan, m.l)
Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. ld diindiin.

dixiri [m.l]
Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg