xameyti
(m.dh)

ld xammeeti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xameyti

xameyti-mareen [m.l] (-nno, m.dh)
(c.nafl.) Dhuumaha xameytida ka soo qaada beerka.

dhagax-xameetiyeed [m.l]
(daaw.) Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.

xammeeti [m.dh]
(c.nafl.) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi-saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.

xuub-malaas [m.l] (-bab ..., m.l)
(c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis-mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg