xamuul
(m.l)

ld xammuul.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xamuul

baabuur [m.l] (-rro, m.dh)
Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.

astaajir [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
Awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.

dayuurad [m.dh] (-do, m.l)
Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.

degsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.

gaari [m.l] (-iyo, m.dh)
1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan.

hilo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-ishay, -ilatay) 1. (f.g) Weel afkiisa xarig ku dhuujisasho si aan wax uga daadan. 2. (f.mg) Ku h.: gaadiid xamuul culus saarasho.

markab [m.l] (-byo, m.l/dh/-raakiib, m.dh)
Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada.

nooli [m.l]
Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nool.

rar [m.l]
1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

raro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Xamuul gaadiid saarasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg