xanaaq
(m.l)Caro; dhirif; dhiidhi.
xanaaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)Caro muujin (qof); carood; dhirifid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanaaq ↴
camal [m.l]
1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”.
camalley [m.dh] (-eeyo, m.dh)
Haweeney xanaaq badan.
camallow [m.l] (-wyo, m.dh)
Nin xanaaq badan.
caradhow [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-waa, -wayd)
Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
carafudud [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-daa, -dayd)
Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
caree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Nafley xanaaq dagaal geliya ku abuurid.
caro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Caro gelid; xanaaqid; camashood.
cartan [m.l]
Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid.
ciilkambi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Is c.: ciil ama xanaaq muujin. 2. Is c.: murugood. 3. Iska c.: ka shallayn, ka xumaasho.
dabbaraale [m.l]
1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.