xannib
(m.l)

Dhib; cadaadis; kadeed. ld xannibaad, xannibad.

xannib
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Cid xayiraad u geysasho. 2. Dhibid; cadaadin; kadaadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xannib

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

curyaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.

curyaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.

dhagaxturaanturro [m.dh]
Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.

go'doomi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid meel ku xannibid. ld go'doomee.

goo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g) Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.

reeb [m.l] (-bab, m.l)
1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.

soohdin [m.dh]
(xis.) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg