xanniban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)Wax la xannibay noqosho.
xanniban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)Wax la xannibay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanniban ↴
betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).
curyaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
xannibmid [m.f.dh]
eeg xanniban¹.
xannib [m.l]
Dhib; cadaadis; kadeed. ld xannibaad, xannibad.
xannib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid xayiraad u geysasho. 2. Dhibid; cadaadin; kadaadin.