xanuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Cid xanuun badid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanuuji ↴
cabaad [m.l]
1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof). 3. ld cabaadid.
cabaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.
caloolxanuun [m.l]
Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.
dameeradhuujo [m.dh]
Tab legdenka ka mid ah oo qof qof kale labada lugood dhexda kaga maro si uu xanuujiyo oo neeftu ugu celiyo.
goonjab [m.l]
Xanuun dhafoorka aad u xanuujiya. ld goonjebshe.
qandhuufo [m.dh]
Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. ld qanjaruufo¹.
qandhuufo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ftay, -fatay)
1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. ld qanjaruufo².
xanuujin [m.f.dh]
eeg xanuuji.