xarrago
(m.dh)

1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xarrago

faajafajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Qof ladan oo waxan muhim ahayn lacag badan ku kharajgarayn, xarrago ama faakihaysi dartii.

haashaar [m.l]
Muuqaal qurux iyo xarrago leh; shoob, mardaadi. shoob, mardaadi

jaakad [m.dh] (-do, m.l)
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.

saayaq [m.l] (-qiin, m.dh)
Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.

baashaar [m.l] (-rro, m.dh)
Kuul baro yaryar leh oo haweenku ku xarragoodaan.

bakoorad [m.dh] (-ddo, m.dh)
Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. ld bakooro (3).

balac [m.dh] (-cyo, m.dh)
Dugaagad ballaaran, xardhan oo macdan ka samaysanoo haweenka ku xarragoodaan.

biid [m.l]
1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof)..

daanshoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.

dugaagad [m.dh] (-do, m.l)
Garaangar dahab, qalin iwm ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg