xarun
(m.dh) (-umo, m.l)1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xarun ↴
saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.
barlammaan [m.l]
1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. ld baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
qaybta liimbigada ee maskaxda [m.dh]
(c.nafl.) Qayb maskaxda ka mid ah oo ka kooban dareemayaal mareenno sameynaya xarun unugyeed kala duwan waxay qaabilsantahay dareenno dadka ku qarsoon oo nolosha laga maarmin iyo fahamada kuna xiran qaybaha qanjirdhiigga iyo dhaqaaqa ee jirka.
rug [m.dh] (-go, m.l)
1. Meel la deggan yahay; guri. 2. Xarun.
saldhig [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
shirkad [m.dh] (-do, m.l)
1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.
teenna [dk.lh.dh] (-tenna)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay. Tus. “Shirka aan ku qabanno xarun-teenna”. ld teen.
xar [m.l]
1. Budada ka soo daadata qoryaha buluunbulyadu gasho. 2. Xasharaad yar oo qoryaha hoos ka cunta. 3. Dhagaxbadeed aad u khafiif ah.