xash
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Jajab yaryar, aan waxtar lahayn oo dhuxusha ka jajaba. 2. Jajab kastoo ka hara qori la qoray ama wax la mid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xash

maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.

adab [m.dh] (-byo, m.l)
1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.

balxasho [m.f.dh]
eeg balxo. ld balxad.

barxasho [m.f.dh]
eeg barxo. ld barxad¹.

booddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.nafl.) Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda. Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan cudurro kala duwan.

buunshe [m.l]
Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.

cunto-sumow [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

dagiigaxasho [m.dh]
ld digiigixasho.

deexasho [m.f.dh]
eeg deexo. ld deexad.

dibaaxasho [m.f.dh]
eeg dibaaxo. ld dubaaxasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg