xaskul
(m.dh)(bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaskul ↴
curun [m.l]
Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.
dabar [m.l] (-rro/-bro, m.dh)
1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
dambiil [m.dh] (-lo, m.l)
Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
dhabbee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Waddo si joogto ah u marid. 2. Xaskul la duugay tumid.
dhil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.
dhilan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.
dhilan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday ahaansho. 2. Diriqii laga bixiyey ahaansho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey ahaansho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay ahaansho si aanay isu gubin.
dhuub [m.l] (-bab, m.l)
1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iwm ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.
gahnay [m.l]
Xarig yaryar, xaskul ah oo rarada, dhambalaha iwm lagu sameeyo.
liili [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xaskul, harag iwm si ay u jilcaan garaacid.