xataa
(Falkaab | Adverb)1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tus. “Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”. 2. Haba yaraatee. Tus. “Bal wax uun i sii, xataa shi-lin”. ld xitaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xataa ↴
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.
agow [Erey Dareen | Exclamation]
Hadday u yaraato; xataa. Tus. “Agow ii ahaateenaa!”; “Agow roob di'i lahaayaa.”
an [qr.diid]
ld aan². ana qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale jirin; agow; xataa. Tus. “Ana ii ahaateenaa!”; “Ana roob di'i lahaayaa!” ld anaa².
heerkul qiirqiir [m.l]
(fiis.) Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.
tundura [m.dh]
(juqr.) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
walow [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xataa, xataaba. Tus. “Walow anigu waan aqaan”. 2. (nax.) In kastoo. Tus. “Dadka si caddaalad wax ugu qabo, walow taa ay adag tahay”.
xitaa [Falkaab | Adverb]
ld xataa.