xawayaan
(m.l)ld xayawaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xawayaan ↴
addin [m.l] (-immo/-inno, m.dh)
1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid.
daayeer [m.l]
(daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.
maanyo [m.dh]
1. Bad. 2. Hees ay dabatadu ugaarta ku sasabato. 3. Nooc dhirta ka mid ah oo ay xawayaanku nafaqo ka helaan marka ay cunaan.
xayawaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg