xayi
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)X. ah: qof waxtar ah ama firfircoon.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xayi ↴
baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
go'doon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
G. ah: xaalad cid geyaysiisa in uu meel ku xayirmo.
hakis [m.l]
(fiis.) Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.
ilfuur [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rro, m.dh/-ro, m.l)
I. ah: qof wax si qarsoodi ah loo samayn lahaa joogiddiisu xayirto.
khariif [m.l]
1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh.
khariif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Doon meel ku xayirmid dabaysha oo isbeddeshay aw-geed.
seere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
seeree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
1. ld seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.
xannib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid xayiraad u geysasho. 2. Dhibid; cadaadin; kadaadin.