xayl
(m.l)Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; caado; dhibaad.
xayl
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lay, -shay)Haweeney caado helid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xayl ↴
caado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl
dhibaad [m.dh]
1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. ld dhiibaaji.
dhiig [m.l]
1. Dareere guduudan, wadnahu qaybiyo, halbowlayaasha nafleyda qaarkeed ku wareega oo nafaqada siiya. 2. Caadada dumarku bishiiba hal mar helo; xayl. 3. Dil.
xaylid [m.f.dh]
eeg xayl.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg