xayr
(m.dh)

1. Baruur ka baxda meelo gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah. 2. Xuub baruuri saaran tahay oo ku daboolan uurkujirta. 3. Jifi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xayr

naar-afuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.

taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.

dhaqaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.

dhaqaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Wax taagnaa socod bilaabid. 2. Subag, xayr iwm dhalaalid. 3. Ku d.: Hawl iwm wax ka qabashadeeda bilaabid.

dufan [m.l] (-nno, m.dh)
Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.

findoob [m.l]
(daaw.) Fin yar oo malax afka ku wata oo maqaarka ka soo baxa waxay noqon kartaa infekshin baktiiriyaad ee daloollada maqaarka oo xirmay iyo dufan ay soo daayeen qanjirrada xayrta ee maqaarka ku yaal.

ilxayr [m.l]
Meesha godan oo isha iyo dhegta u dhexeeysa.

jifi [m.dh]
1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. ld jufo.

shafshafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Qof ama meel dhaawac ah xayr kulul ku dhayid. 2. Qof la dhaawacay qaantiisi qayb ka mid ah siin.

shafshafo [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Cad xayr ah oo inta la kululeeyo nabar ama meel bugta lagu dhayo. 2. Hanti la siiyo qof dhaawac la gaarsiiyey. 3. ld shafshafayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg