xeeb
(m.dh) (-bo, m.l)

Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa.

xeeb
(m.dh) (-bo, m.l)

(juqr.) Dhulka deriska la ah badda ama biyo kale oo weyn kuwaas oo mawjadahoodu ay si toos ah u saameeyaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xeeb

yaare [m.l]
1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.

faakharad [m.dh]
Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.

gaadoowe [m.l]
Kalluun xeebta aan ka fogaan oo leh diillimo dheerer ahaan ugu mardimaysan.

saaruq [m.dh] (-qyo, m.dh)
Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.

xaaxi [m.l]
1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.

xagaayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.

aleel [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-lo, m.l)
Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.

atool [m.l] (-lo, m.dh)
(juqr.) Shacaabi taxan oo leh muuqaalka garanta ama muuqaalka kabta faraska oo ku wareegsan barkad (haro xeebeed).

badweyn [m.dh]
1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iwm. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg