xer
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)1. Dad koox ah oo sheekh raacsan ama wax ka barta. 2. X. ah: nin u go'ay barashada diinta oo hadba meel u aada kutub raacasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xer ↴
edeg [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.
edeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Maqal xoolaad xero yar gelin.
gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji
ood [m.dh]
1. Dhir la gooyey oo xero iwm lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.
ood [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid.
oodafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Cid aflagaaddo gaarsiin 2. Xero afka ood ka saarid.
oodafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ood weyn oo xerada xoolaha afka laga saaro. 2. Aflagaaddo.
oodan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho.
oodan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho.
oonguul [m.l]
O. ah: xoolo aroor ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee
alifka soomaalida, waana shibbane.