xeree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)Xoolo iwm xero gelin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xeree ↴
edeg [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon.
qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
kiis [m.l] (-sas, m.l)
1. Dacwad maxkama-deed. 2. ld xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
mooro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xerada xoolaha la geliyo ama lagu xereeyo. 2. Faalka baydadkiisa dhexda ku jira. 3. Manaasisha dayaxu fariisto mid ka mid ah.
sariibad [m.dh] (-do, m.l)
Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
xerayn [m.f.dh]
eeg xeree.
xer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad koox ah oo sheekh raacsan ama wax ka barta. 2. X. ah: nin u go'ay barashada diinta oo hadba meel u aada kutub raacasho.