xiddig
(m.l)

1. Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko. 2. (riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili-mada, riwaayadaha iwm. 3. Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda. 4. Nasiib.

xiddig
(m.dh) (-go, m.l)

1. Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko. 2. (riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha. 3. Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiddig

naaf [m.l] (-fo, m.l)
1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.

gaadaddo [m.dh]
Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.

wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.

wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

afaggaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.

askari [m.l]
(askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). ld askar, caskari.

awr [m.l]
(awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.

bah [m.dh] (-ho, m.l)
1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.

baho [m.l]
(c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg