xiddigis
(m.l)

ld cilmifeleg, xiddigin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiddigis

xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

dayaxgacmeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.

xiddigin [m.f.dh]
eeg xiddigi. ld xiddigis.

xilli [m.l] (-iyo, m.dh)
(c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.

xiddig [m.l]
1. Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko. 2. (riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili-mada, riwaayadaha iwm. 3. Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda. 4. Nasiib.

xiddig [m.dh] (-go, m.l)
1. Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko. 2. (riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha. 3. Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg