xiddigle
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

Sargaal ciidan oo hal xiddig leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiddigle

kormeere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.

labaxiddigle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.

xiddig [m.l]
1. Wax iftiin leh oo hawada sare ku sugan oo aan dayaxa iyo qorraxda midna ahayn oo habeenkii kaliya la arko. 2. (riw.) Ninka koowaad ee loo xusho jilidda fili-mada, riwaayadaha iwm. 3. Qof cayaaryahan ah oo kooxdiisa aad uga muuqda. 4. Nasiib.

xiddig [m.dh] (-go, m.l)
1. Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko. 2. (riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha. 3. Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg