xiddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dun midabyo badan oo si gaar ah loo farsameeyey oo si ayan u tifmin dacallada maryaha looga tolo oo qurux loogu tala galay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiddo

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

wadayaal [m.dh]
1. Xiddo. 2. Xirmo furayaal ah.

badhi [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
(bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.

darxad [m.dh] (-do, m.l)
Tarash; xiddo.

ifraac [m.l] (-cyo, m.dh)
(baay.) Koridda organno ka mid ah geedka ay koraan iyagoo u jawaabayo ilayska. Xiddo haweedyadu waxay sida badan u koraan dhinaca ilayska iyada oo xididdo haweedyaduna ay u baxaan dhinaca ku liddiga ah ilayska.

kullaabi [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Xiddo weyn oo ballaaran. 2. Marada xiddadaas leh lafteeda.

subeeciyad [m.dh]
Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. ld subeeci.

xiddaayad [m.dh]
ld xiddo.

xiddaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax xiddo loo yeelay ahaansho.

xiddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Dhar iwm xiddo u yeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg