xididin
(m.f.dh)eeg xididi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xididin ↴
xidid [m.l] (-do, m.l)
1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid [m.l] (-do, m.l)
(xis.) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
xidid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Xidid noqosho (dad).
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg