xir
(m.l) (-rar, m.l)Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.
xir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xir ↴
aabbur [m.l] (-rro, m.dh)
Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.
aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.
aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.
gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
maadaama [Xiriiriye | Conjunction]
Eray lagu xiriiriyo weer sababley
ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska
joog”. ld maaddaama. maaddaama
yaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.
x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee
alifka soomaalida, waana shibbane.