xorshosh
(m.l)Qori ama wax kale oo korka sare ka fayow, gudahase ka mootan oo bolol ka ah, oo kolkii la taabto burburaya, tilmaan-tood. ld xorshosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xorshosh ↴
bolol [m.l]
1. B. ah: qori iwm marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iwm oo faaday ama xorshashay. 3. ld bololid.
bolol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
1. Qori iwm duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama xorshoshid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg