xubin
(m.dh) (-bno, m.l)

1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xubin ā†“

ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.

laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka ā€œLā€.

taarsuus [m.l]
(c.nafl.) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.

uub [m.dh] (-bo, m.l)
1. Carun ka yimaad xubinta taranka ee nafley dhashay. 2. (-bo, m.l) God dhuuban oo hoos u dheer.

waaf [m.l] (-faf, m.l)
(c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.

xagalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.

alan [m.l]
(almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg