xusuus
(m.dh)

1. Awoodda maskaxda ee kaydin-ta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xusuus

laabla' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Qof aan xusuus lahayn ahaansho.

raad [m.l] (-dad, m.l)
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.

taallaxusuuseed [m.dh]
Taallo wax lagu xusuusto.

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

ajeendo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iwm.

alan [m.l]
(almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.

baraarujsanaan [m.dh]
(taar.) Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.

cululubo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Go'aan hore loo gaaray, arrin la xusuustay darteed u beddelid.

dhadhab [m.l] (-byo, m.dh)
1. Riyo hadal leh oo aan la xusuusan marka la tooso; qarow. 2. ld dhadhalid.

garansii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhici.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg