yaab
(m.l)

Amakaag; irkig; abyan; fajac. abyan, amakaag, fajac, irkig

yaab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaab

yaabban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld yaabsan. yaabsan

yaabbanaan [m.dh]
ld yaabsanaan. yaabsanaan

yaabbanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld yaabsanaan. yaabsanaan

yaabi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka yaabi: cid yaab ku abuurid.

yaabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaab². ld yaabis². yaab, yaabis

yaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaabi. ld yaabis(1). yaabi, yaabis

yaabis [m.l]
1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin. engegan, yaabin

yaabis [m.dh]
ld yaabid. yaabid

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg