yaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaac

yaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.

yaacid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaac. yaac

yaacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaaci. ld yaacis. yaacis, yaaci

yaacis [m.l]
ld yaacin. yaacin

yaacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.

yaacsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaacsan. ld yaacsanaansho. yaacsanaansho, yaacsan

yaacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld yaacsanaan. yaacsanaan

qaash [m.l]
1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.

busbus [m.l]
(daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo oogada nabarro badan oo yaryari ka soo yaacaan qandhana leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg