yaacid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)eeg yaac. yaac
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaacid ↴
dhidid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid.
did [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².
firdhaad [m.l]
1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. ld firdhad (1).
firdho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-dhaday, -dhatay)
Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id.
firir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
(firdhay/firiray, firirtay; -rdhi/-riri) F./kala f.: wax wada jirey kala yaacid.
hormosalaad [m.l]
Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. ld qamaan¹.
hormosalaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. ld qamaan².
qamaan [m.l]
Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco.
qamaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid.
yaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.