yacni
(Falkaab | Adverb)

Waxaa loola jeedaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yacni

dibkabe [m.l] (-bayaal, m.dh)
(nax.) Lifaaq kagu dhejiyo sal magac ama fal dhammaadkiisa, yacnii dhiniciisa midig. Tus. “Dukaanle baa illinka furay”.

hooddi [Erey Dareen | Exclamation]
Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. ld hoodi.

kolmo [m.l]
(nax.) Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (tus. Cali wuxuu yiri: “berri baan imanayaa”).

lafdi [m.l]
(nax.) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.

masdar [m.l] (-rro/-saadir, m.dh)
(nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.

weer [m.dh] (-ro, m.l)
(nax.) Ereyo taxan oo micne buuxa leh; yacni wadajirka khabarka iyo mawaadiicdiisa; hawraar.

weereyn [m.dh]
(nax.) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.

yac [m.dh]
Sagaarada teeda dheddig.

yac [Erey Dareen | Exclamation]
Ka joog! Daa!

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg