Ereyga Maanta: waddoohiye
carshacarsheyn  ld carshaashayn.
carshi  1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.
carshin  Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
cartamid  eeg cartan². ld cartan¹.
cartan1  Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid. cartan2  1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. ld car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid. cartir1  ld catir¹. cartir2  ld catir². cartiran  ld catiran.
cartirid  ld catirid.
cartirnaan  ld catirnaan.
cartirnaansho  ld catirnaan.
carun  1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
caruusad  ld aroosad.
carwaajiis  Midab guduud furan ah.
carwasaad1  ld calwasaad¹ (2). carwasaad2  ld calwasaad³. carwasaadid  ld calwasaadid.
carwo  Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.
cas1  1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan. cas2  Wax midabkiisu guduud furanyahay ahaansho. casaan1  1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin. casaan2  eeg cas². ld casaansho. casaanboor  Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay.
casaansho  eeg casow. ld casaan².
casaaro  ld cisaaro.
casabaysad  ld casabaysasho.
casabaysasho  eeg casabayso. ld casabaysad, casabaysi.
casabaysi  ld casabaysasho.
casabayso  Cid casabo ka dhigasho.
page : 48 of 95
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>