Ereyga Maanta: caynaano
haylaamee  ld hayl².
haylaamid  eeg haylaan³. ld haylaan¹ (2).
haylaan1  1. Shuban aan la celin karin. 2. ld haylaamid. haylaan2  1. ld hayl¹. 2. Faraqyada maryaha. haylaan3  Wax shuban isku habeediyey noqosho. haylan  Wax hayl lagu suntay ahaansho.
haylid  eeg hayl². ld haylaamayn, haylyaamayn.
haylnaan  eeg haylan. ld haylnaansho.
haylnaansho  ld haylnaan.
haylyaamayn  ld haylid.
haylyaamee  ld hayl².
hayn1  Geed abaareed aan qodax lahayn; dalluug. hayn2  eeg hay. ld hays². hayn-darro  (daaw.) Soo dhaafid aan la ogeyn ee kaadida ama saxarada.
hayoomiso  ld hayaamiso (2).
hayraf1  Qubashada uu dhiig ka qubto meel la saray. hayraf2  Meel la saray dhiig ka qubasho. hayrafid  eeg hayraf².
hayras  Neecaw qabow oo ka dambaysa roob da'ay; yalalaxo.
hays1  Meel godan oo kuruska iyo misigta geela u dhexeysa. hays2  ld hayn². haysad  ld haysasho.
haysamo  Cankuhays, uur, uurdhaj, wax dhalaya (masaggada, galleyda iwm marka ay uurka yihiin).
haysasho  eeg hayso. ld haysad, haysi.
haysi  ld haysasho.
haysimo  1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).
hayso  1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.: cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.
haystimo  ld haysimo (3).
hebdi  Hebed ka dhigid (dheddig xoolaad).
hebdid  eeg hebed². ld hebdin.
page : 49 of 93
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>