casiimad ld casiimo.
casiimayn eeg casiimee.
casiimaysan Wax casiimo lagu akhriyay ahaansho.
casiimaysnaan eeg casiimaysan. ld casiimaysnaansho.
casiimaysnaansho ld casiimaysnaan.
casiimee Cid casiimo ku akhrin.
casiimo Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. ld casiimad.
casiin ld casaan¹.
casiis 1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
casiisad 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
casiisnimo Cisiis ahaan.
casil Qof jago hayo ka qaadid.
casilaad 1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid.
casilid eeg casil. ld casilaad (2).
casir1 ld casar. casir2 Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid. casirid eeg casir².
caskarayn ld askarayn.
caskaree ld askaree.
caskari ld askari.
caskarinnimo ld askarnimo.
caskramaroodi ld askarmaroodi.
casmali1 C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays. casmali2 Tarbuush guduudan. casow Wax cas noqosho.
casri 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
casriyayn eeg casriyee.
casriyee Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid.
casumaad Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. ld casuumad.
casuman Wax la casumay ahaansho.
page : 51 of 95
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>