Ereyga Maanta: caynaano
heesaa  Qof heesta ku luuqayn yaqaana.
heesaannimo  Heesaa ahaansho.
heeshi  Barwaaqo.
heesid  eeg hees².
heetayn  eeg heetee.
heetee  Si wareeg ah u safasho (dad).
heeti  1. Xarrago la liicliicid. 2. ld hiti.
heetin  1. eeg heeti. 2. ld heetis.
heetis  ld heetin (2).
heeto  Saf wareegsan oo dad ah.
hegtar  Cabbir beereed u dhigma boqol mitir oo isku wareeg ah.
hel  Wax lumay arkid.
helengayn  eeg helengee.
helengee  Nafley helengo la dhicid.
helengo  Dhenged.
helid  eeg hel.
helikobtar  Nooc ka mid ah diyaaradaha oo qumaati u kaca.
helli  Neef irmaan canug uu dhalay si uu u godliyo ku sii dayn.
hellin  eeg helli. ld hellis.
hellis  ld hellin.
helloon  Wax la heli karo ahaansho.
helloonaan  eeg helloon. ld helloonaansho.
helloonaansho  ld helloonaan.
hengel1  Dibibiro; buurnaan. ld hingil¹. hengel2  ld hangal². her  1. Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan. 2. Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.
her-isle'eg-xigsineed  (xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
hergal1  ld hargal¹. hergal2  ld hargal². hergalid  ld hargalid.
page : 54 of 93
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>