cilaaqtan2 La c.: laba qof, hadal muran iyo hagag leh isdhaafsasho. ld ilaaqtan². cilcillaw ld cilcillow.
cilcilloon Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
cilcillow Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw.
cilimo Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda.
cilin1 1. Nin dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. Qof qaarka dambe naafo ka ah. cilin2 1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday. cillaal1 ld cillaalid. cillaal2 Arrin aan xalkeeda fogeyn. cillaalid eeg cillaal². ld cillaal¹.
cillaan1 1. Geed abaareed weyn, cufan, calemo yaryar leh, qodax lahayn oo ubaxiisu udgoon yahay. 2. Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado. cillaan2 Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul. cillaangeedafuul ld cillaan².
cillad 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tus. “Baabuurka c. buu leeyahay”. ld cillo.
cilladayn eeg cilladee. ld cillayn.
cilladee Wax cillad u yeelid. ld cillee.
cilladhaami ld qayladhaami.
cilladhaamin ld qayladhaamin.
cilladhaamis ld qayladhaamin.
cilladhaan ld qayladhaan.
cilladhaansad ld qayladhaansasho.
cilladhaansasho ld qayladhaansasho.
cilladhaansi ld qayladhaansasho.
cilladhaanso ld qayladhaanso.
cillal Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.
cillan Wax aan muqaan ahaansho. ld ciillan.
cillanaad Wax jira oo aan muqaalkooda la arag, lana taaban karin. ld ciillanaad.
cillanaan eeg cillan. ld ciillanaan, ciillanaansho, cillanaansho.
cillanaansho ld cillanaan.
cillayn ld cilladayn.
page : 71 of 95
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 > >>