Ereyga Maanta: waddoohiye
cimaamadaysasho  eeg cimaama-dayso. ld cimaamadaysad, cimaamaday- si, cimaamadsasho.
cimaamadaysi  ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysnaan  eeg cimaamadaysan. ld cimaamadaysnaansho, cimaamadnaan, cimaamadnaansho.
cimaamadaysnaansho  ld cimaama- daysnaan.
cimaamadayso  Cimaamad madax ku duubasho. ld cimaamado.
cimaamadnaan  ld cimaamadaysnaan.
cimaamadnaansho  ld cimaama- daysnaan.
cimaamado  ld cimaamadayso.
cimil  1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.
cimilada baddadhexe  (juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.
cimilada lamaddegaanka  (juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.
cimilgal1  1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. ld cilmigelid. cimilgal2  U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho. cimilgelid  eeg cimilgal². ld cimilgal¹ (2).
cimilo  Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.
cimilo-badeed  (juqr.) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.
cimilo-badhaale  (juqr.) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
cimilo-buureed  (juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
cimilo-fidsan  (juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.
cimilo-goboleed  (juqr.) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida.
cimilo-gooreed-daqas  (juqr.) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada.
cimilo-kooban  (c.cimi.) Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iwm taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka.
cimilo-qaaradeed  (juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
cimraysad  ld cumraysasho.
cimraysasho  ld cumraysasho.
cimraysi  ld cumraysasho.
cimrayso  ld cumrayso.
cimre  ld ximre.
cimri  Inta sano ee wax jiraan. ld cumri.
cimri-badh-kaahfaleed  (kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu'da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax.
page : 73 of 95
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>