hoosaasi 1. Wax hoos u yeelid. 2. Cid u garab-goroyeyn.
hoosaasin eeg hoosaasi.
hoosaharre Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badan yihiin; hooskuhar. ld hooskuhar.
hoosayn eeg hoosee.
hoosaysii Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
hoosaysiin eeg hoosaysii.
hoosdadab H. ah: caws, raro iwm geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.
hoosdaloolo Iin wax yeeshaan.
hoosdhaw1 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. ld hoosdhebid. hoosdhaw2 Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid. hoosdhebid eeg hoosdhaw². ld hoosdhaw¹.
hoosdhig1 ld hoosdhigid. hoosdhig2 Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid. hoosdhigid eeg hoosdhig². ld hoosdhig¹. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
hoosee Wax meel hoose jirid.
hooseeye Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
hooseeye ay wadaagaan (xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.
hoosgal Cid maganteeda gelid.
hoosgalla' ld hooskalla'.
hoosgashi Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
hoosgeli Neef riyo ah oo la lisayo madaxiisa bowdyaha dhexdooda gelin.
hoosgelid eeg hoosgal.
hoosgelin eeg hoosgeli.
hoosgunti Maro raggu hoos ka xirto.
hoosh1 Boobidda wax la boobo. hoosh2 Cid wax boobid. hooshid eeg hoosh².
hoosi Wax hoos u yeelid.
hoosid eeg hoos³.
hoosiis Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
page : 75 of 93
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>